Ciidanka Al-shabaab Oo Qabsaday Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose, Kismaayona Higsanaya-
Lasnod.com. Monday, May 19, 2008


 

JAMAAME: Ciidanka Al-shabaab ayaa la wareegay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose, Taas oo ah degmadii labaad oo ay qabsadaan gobolka Jubada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab halkaas kula wareegay si nabdoon, iyadoona aysan jirin wax iska caabin ah oo lagala horyimid dhinaca maamulkii hore u joogay degmada.

Dhaq dhaqaaqyada Kooxaha Kacdoonka maalmahan ka wadaan Jubooyinka ayaa u muuqda kuwo sii xoogeysanaya, iyadoona Maleeshiyo taabacsan Maxkamadaha ay la wareegeen Degmada Jilib.

Shabaab iyo Maxkamadaha waxay labaduba u muuqdaan kuwo ku loolamaya Deegaanada Jubooyinka, hase ahaatee waxaa is ballaarintooda ka soo horjeeda Beesha ka talisa Kismaayo oo sheegeysa in ay dagaal ka xigto.

Deegaanada ku hareereysa Kismaayo ayaa ah kuwa gacanta u sii geliya kooxahan, waxaana haatan saddex Degmo ka taliya ugu jiraan Shabaabka iyo Maxkamadaha.

Dhaq dhaqaaqyo milateri oo ka dhan ah Xoogagaas ayaa laga dareemay Magaalada Kismaayo, iyadoona Maleeshiyaad Hubeysan oo ka ambabaxay Kismaayo ay u sii jeedaan Jiida hore ee Deegaanada lala wareegay.

Jamaame ayaa noqneysa Degmada 3aad oo ay la wareegaan dhaq dhaqaaqyada Hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda, iyadoo horay loola wareegay Degmooyinka Jilib iyo Kamsuuma.

 

 
 
 
 

 


   
 



 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com