Astaamaha Cudurka Kansarka
Lasanod Online. Sunday, June 06, 2010


 

LASANOD ONLINE:- Waa muhiim in kansarka la ogaado goor hore. Marba marka ka horraysa ee la ogaado ayey ka badan tahay fursadda si fiican loogu dawayn karo cudurkaas.

Sidaas awgeed waa muhiim in dhakhtar loo tago,marka la arko astaamo muujin kara kansarka.

Qormadan caafimaadka ee maanta waxaanu ku soo qaadaneynaa:astaamaha ugu muhiimsan ee kansarka, inkastuu calaamado kalena yeelan karo.

Astaamaha halkan lagu xusay, waxay sidoo kale badi noqon karaan qaar ay keeneen cudurro aan ahayn kansar, oo halkan wax lagaga xusi doono. Haddaba akhri oo ogow, markay tahay inaad dhakhtar u tagto ama sidoo kale aad caawiso cid qoyskaaga ah.


Nabar

Nabar soo baxa, iyadoon qofka wax ku dhicin, ayaa astaan u noqon kara kansarka, haddaanu dib u shiiqin. Kansarka maqaarka iyo ka afka ayaa u muuqan kara sidii nabar Buro iyo dhullax Haddii buro ka soo yaacaan ama dhullax ka soo baxo jidhka ama muuq dooriyaan, waxay astaan u noqon karaan kansarka maqaarka.
.
Guntin

Guntin baa calaamad u noqon karta kansarka.Xaaladaha qaarkoodna guntintu way damqanaysaa.Kansarka naasaha badi waxay haweenku isku arkaanguntin. Guntin ku samaysanta xiniin ayaa sidoo kale u muuqan karta kansar-xiniinyood, iyadoo aanay wehelin astaamo kale. Guntimaha ka soo baxa cunaha, kilinkillooyinka iyo qanjidh-sarceedka waxa sida caadiga ah keena xanuun. Kansarku wuxuu sidoo kale u muuqan karaa sidii guntin bararsan oo cunaha ka soo baxda.


Codka oo beddelma

Haddii muddo dheer qofku xabeebsanaado, ayaa astaan u noqon karta kansarka cunaha. Sidaas awgeed waa inuu qofka dhakhtar baadho. Waxaa kaloo badi xabeebta keena cudurro kale, sida, hargabka iyo qaaxada.

Qufac

Waa caadi in la qufaco, marka la hargabo ama sigaar la cabbo. Haddiise qufacu xumaado ama tegi waayo, waxay astaan u noqon kartaa kansarka sanbabada.Haddii qofku dhiig soo qufaco, waa inuu sida ugu dhakhso badan dhakhtar u tago. 

Liqitaanka oo adkaada

Liqitaanka oo qofka dhiba, siina adkaada ayaa calaamad u nooqn kara kansarka hunguriga, caloosha,cunaha, iyo xabadka. Adkaanshaha liqitaanka waxaa kaloo marar badan keena cudurro kale, sida cunaxanuun.

Saxarada oo is gedgeddida

Haddii qofku, tusaale ahaan, mar shubmo, haddana calooshu is taagto ama saxaradu ka iman waydo, waxay astaan u noqon karaan kansarka xiidmaha. Sida badan waa iska caadi, in calooshu qofka fadhiisato muddo yar. Waxyaabo kale ayaa sidoo kale caadi ahaan beddeli kara qaabka saxarada, sida,infakshan iyo cuntada la qaato.

Saxarada oo dhiig soo raaco

Dhiig soo raaca saxarada ama lagu arko waraaqda la iskaga tiro, ayaa calaamad u noqon kara kansarka xiidmaha. Cudurro kale, dhaawac gaadha xiidmaha iyo babaasiirta ayaa badanaa sidoo kale keeni kara in saxaradu dhiig soo raaco.


Kaadida oo dhiig soo raaco

Dhiig sidiisii ah oo kaadida soo raaca ama midabkeeda oo yar casaada, oo ku xidhan hadba xaddiga dhiigga kaadida ku jira, ayaa calaamad u noqon kara kansarka kelyaha iyo kaadihaysta. Dhiigga soo raaca kaadida waxaa kaloo keeni kara xanuun ku dhacay kaadihaysta.


Xubinta taranka oo dhiig ka yimaaddo

Dhiig cisagoynta dabadeed ka yimaadda (xubinta taranta ee dheddiga), ama cisagoynta horteed dhiigis aan caadi ahayn, ayaa astaan u noqon kara kansarka ilmagaleenka ama ilmagaleenka cudhiisa. Galmada oo qofka ka dhiijisa ayaa sidoo kale calaamad u noqon karta kansarka cudha ilmagaleenka.Dhiigga aan caadiga ahayn ee cisagoynta horteed,waxaa kaloo keeni kara khal-khal ku dhaca hormoonada jidhka.
 

Xanuunno

Xanuunno qofka, tusaale ahaan, laga qabto caloosha ayaa astaan u noqon kara kansarka. Waxaa kaloo xanuunnadaa keeni kara sababo badan oo kala duwan. Dhif ayey xanuunnadu keligood, astaan u noqdaan kansarka.


Astaamo kale

Xummad, daal, nafsad la’aan iyo dawakhaad qofka wiigag badan haysa, ayaa keligood astaan u noqon kara cudurka kansarka. Cudurro badan oo kale ayaa caadi ahaan astaamahan leh, hase yeeshee waxaa habboon in dhakhtar loo tago, hadday wiigag badan qofka hayaan.


Dhakhtar u tag haddaad isku aragto:

• Nabar maqaarka ama afka ka soo baxa, oo bil gudaheed ku bogsan waaya.
• Buro ka soo yaaca ama dhullax ka soo baxa jidhka oo muuq dooriya.
• Guntin ku samaysanta naaska, xiniinyaha ama meelo kale oo jidhka ah.
• Qufac ama xabeeb ku tegi waaya bil gudaheed.
• Dhiig candhuufta soo raaca.
• Liqitaanka cuntada oo ku dhiba, ama kugu sii adkaata muddo bil ka badan.
• Saxaradoo is gedgeddida, oo mar aad shubanto marna calooshu iskaa taagto in bil ka badan.
• Saxarada oo dhiig soo raaco.
• Kaadida oo dhiig soo raaco, ama ay dhib noqoto inay ka soo dhammaato kaadihaysta.
• Dhiig cisagoynta dabadeed ka yimaadda xubinta taranka dhediga,ama dhiig aan caadi ahayn oo cisagoynta
horteed ah.
• Xanuuno aan sababtooda la garanayn.
• Xummad, daal, nafsad la’aan iyo dawakhaad dhawr wiig ah, ama miisaanka oo hoos u dhaca,iyadoon la garanayn sababta.


Waxaa tarjumay: Axmed Diiriye Liibaan

 

 

 

 

 




 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com