Shirweynihii SSC oo Maanta Lagu Soo Geba Gebeeyey Magaalada Nairobi-(Daawo Sawirada)-
Lasanod Online Thursday, October 15, 2009


 

Nairobi,(Lasanod Online)- Waxaa maanta ka bilowday Magaalada Nairobi Xafladdii lagu soo gunaanadayey shirweynaha SSC ee ka furmay 3 Oct magaalada..

magaalada Nairobi, kaasi oo ay beeshu ku yagleelatay hogaan, kaasi oo loogu magac daray Hogaanka Badbaadada iyo Midaynta SSC, kaasi oo anbaqaadi doona Hawlaha Beesha SSC.

Wacdi iyo waano dheer ka dib, waxaa hadalka shirka furay Garaad Abshir Saalax, isagoo garaadku sheegay Kelmaddii in hawsha halkan ka dhacday ay tahay midow, waxa kale oo uu Garaadku xusay in la sii anba qaadi doono dedaalka loogu jiro Somali Weyn.

Garaad Cali Buraale Xasan ayaa isna ka Hadlay Goobta, Garaadku  waxa uu goobta ka akhriyey Hadallo Dhiiri Geliyey dadweynaha iyo Hogaanka la Doortay Waxa uuna Garaadku Si aad ah u xusay Midnimada Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu khudbaddiisa Garaadku ku soo gaba gabeeyey Maansadiisii Qaaliga ahayd oo uu ku daray mid kale oo dadkii soomaaliyeed qiiro gelisay.

Guddoomiyah Shirkii lagu doortay Hogaankan Cusub C.qaadir Axmed Aw-cali, isagoo golaha ka akhriyey qaraaradii loogu talo galay inay dhegaystaan dadweynuhu kaasi oo ay ka mid ahaayeen Doorashada Hogaan Cusub oo ay beeshu yaalatay kaasi oo qabanaya dhammaan hawlaha dadka SSC, waxa kale oo uu mahad gaar ah u celiyey Ururka NSUM, isagoo sheegay Doorkoodu inuu ahaa mid aad u weyn, kaasi oo aan la illaawi karin, waxa uuna xusay inay gaar ka ahaayeen Ergooyinkii ka qayb qaatay qabsoomidda Shirka.

General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa isna ka hadlay goobta, isagoo ka hadlay midnimada soomaaliyeed ammaan iyo bogaadin u jeediyey hogaanka ay dadka SSC ay doorteen, waxaa kale oo uu sheegay General Morgan, taariikhda SSC waa ta Soomaaliyeed, kumana koobnaan karto cid gaar ah, General Morgan waxa uu fasiray Magaca SSC (Somaliweyn iyo Sinaan iyo Cadaalad).

Maxamed Xasan Buraale oo ku Hadlayey Afka Ururka NSUM kana Tirsan Madaxda NSUM, waxa uu madax sheegay In Ururku uu Qaatay inuu si Buuxda u taageero Hogaanka Cusub ee madasha ka soo baxay, waxaa kale oo uu cadeeyey in ay garab istaagi doonaan Hogaankan Cusub.'

Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo uu horkacayey Xildhibaan Jinni Boqor ayaa iyana goobta ka hadlay , waxayna kor u dhaafayeen illaa 3 xildhibaan kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyey ogaanka cusub sheegayna  inay dawlada dhexe ee somalia ku dhiiri gelin doonaan inay taageerto.

Madaxweynihii Hore ee maamul Goboleedka Puntland ayaa isna Madasha ka hadlay isagoo caado u leh Maxamed Cabdi Xaashi hadal yari, hadana wuxuu cadeeyey sida uu maqsuuda uga yahay Hogaankan Cusub, waxa uu Maxamed Cabdi Xaashi ka hadlay midnimada Somalia, isagoo dhaliilay walaalkiis Axmed Cabdi Xaashi Xasharo, isagoo ku dhaliilay sida uu uga soo horjeedo xukuumadda Somalia, ugu danbayna waxa uu sheegay  inuu rajaynayo in ay isku arki doonaan Caasimada Somalia iyagoo dhanka dawladda Wada Ah Taageero Buuxdana u wada haya Dawladda.

Agaasimihii Hore ee laanta af-soomaliga ee BBC ayaa isna ka Hadlay Madasha, Maxamed C.laahi waxa uu uu sheegay inuu u mahad celinayo Hogaankan Cusub iyo Sida loo doortay, waxaa kele oo uu Maxamed Sheegay in midnimada Somalia ay muqaddas tahay, la iskana illaawo dadka ku taamaya kala go'a somalia, wakhti uu caalamku marayo ayuu sheegay inaanu ahayn wakhti cidi xad raadsato iyadoo la marayo isu furka Xadadka.

Waxaa Kale oo Kulankaas ka hadlayey Madax fara badan Oo Soomaaliyeed, waxaana ugu danbayn lagu dhaariyey Madasha Saleebaan Xaglo toosiye iyo Cali Saberay oo kitaabka Quraanka ah gacanta loogu saaray goob ay boqolaal dad ahi indhaha ku hayeen.

dhaarta ka dib waxaa hadalkii qaatay Saleebaan Xaglo Toosiye oo sheegay inay dadka SSC isku arki doonaan gudaha  Magaalada Laascaanood ballanta Labaadna ay tahay Laaskii Markay tagaan.

Cali Saberey oo isna loo doortay xilka hogaamiye ku Xigeenka ayaa isna madasha ka hadlay, waxa uu sheegay inay dadka SSC ay ka ballan qaadayaan inay tegi doonaan Mgaalada Laascaanood, waxaa kale oo uu sheegay Cali Seberay in dadka kasoo jeeda SSc ee ku sugan Hargeysa aan danbi loo haysan haddii ay soo noqdaan, dadkooda u toobad keenaan.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa isna madasha ka hadlay soona gunaanaday garaadku wuxuu sheegay In Xilka ay u dhiibeen xubnahan uu yahay mid beeshu leedahay isla markaasna looga baahan yahay taageero shacab oo xad dhaafa, waxaa Garaadku uu ka dhawaajiyey in la isku tashaday oo la gaadhay xilligii dadka SSC keligood wax qabsan lahaayeen,  ugu danbayna wuxuu garaadku hadalka ku dheereeyey midnimada Ummada Soomaaliyeed.


F.G Shabakadda Lasanod Online Waxay Idiin Soo Gudbin Doontaa Haddii Eebe Qadaro Khudbadihii Kala Duwanaa Ee Madasha Ay ka Jeediyeen Dad Weynihii Soomaaliyeed Ee Ka Soo Qayb Galay Intoodii Ugu Muhiimsanayd.

 

 



 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com