|
Xudun,(lasanod Online)- Ururada u adeega bulshada ee ka jira deegaanada Khaatumo state, ayaa waxay yihiin kuwo aad u fara badan,
inkasta oo ururadan ay badan yihiin hadana waxaa hayasata dhaqaalo xumo daran oo u baahan in laga caawiyo.
Daawo Sawiro
Hadaba ururka ka dhisan deegaanka Xudun ee G\sool oo lagu magacaabo UGBAAD, ayaa wax uu yahay urur ay dhisteen haweenka deegaankaasi si ay wax ugu qabtaan dadka ku nool deegaanka hoosyimaada degmada Xudun.
Ururkan Ugbaad ayaa waxa uu gacanta ku hayaa dad badan oo danayara oo ku nool magaalada Xudun, gaar ahaan qoysaska xooluhu ka dhamaadeen. Xilligana waxa ka shaqeeya mashaariicda uu ururku wada dad aad u tiro badan.
Waxqabadka ururada guud ahaan deegaanada khaatumo ayaa haatan la dardar geliyay, kadib markii dadka deegaanku ay masiirkooda ka tashadeen. Waxaa marakasata dhegahaaga ku soo dhacaya dadka oo is abaabulaya sidii ay iyagoo midaysan ugu shaqeeyaan deegaanada Khaatumo State. hoos ka dhegayso warbixin..
AMA
Dhegayso Warbixin
|