|
Garoowe,(lasanod Online)- Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka noqotay digniintii ay horay ugu jeedisey shakhsiyaad ay sheegtay..
inay dano gaar ah leeyihiin isla markaana ay ku howlan yihiin sidii ay u carqaladeyn lahaayeen geedi socodka Road-mapka iyo nabadda Soomaaliya.
Afhayeenka mamaulka Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joorre) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaritaan dheer kadib lagu guuleystey in waxyaabihii mad madowgu ku jirey dib loo saxo.
Wuxuuna intaas ku daray in waraaqihii hore shakiga u dhaliyey markii dib loo raacay ay suurtagal noqon weydey in la ogaado cidda soo saartay maadaama dhamaan xafiisyadii lagu tuhmayey ay iska fogeeyeen.
Libaax Joore ayaa ugu danbeyntii sheegay in Puntland ay ka go’an tahay sidii howsha socotaa ay ugu soo gaba gaboobi lahayd qaabkii loogu tala galay isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri:
“Puntland waxay u taagan tahay in mar walba ay shaqadaasi socoto, ilaa laga gaaro dowlad Soomaaliyeed oo dalka oo dhan hanata, nabadna ka dhalisa”.
Hadalkan kasoo yeedhay dowladda Puntland ayaa imaanaya dhowr beri kadib markii ay walaac xoogan ka muujisay dad dano gara lehi ku howlan yihiin sidii ay geedi socodka kumeel gaadhnimada looga baxayo u carqaladeyn lahaayeen.
Ilo wareedyo ku dhow Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somalia, ayaa sheegaya in maamulka Puntland culays iyo cadaadis kaga yimid dawladaha caalamka ee hormuudka ka ah geedi socdka nabadda Somalia, kuwaas oo si cad ugu sheegay maamulka Faroole in lagu darayo liiska (Spoilers)ka hadii uusan jojin hadalada lidiga ku ah Road-mapka iyo arrimaha Dastuurka. Taasina ay keentay inay maanta soo saaraan warsaxafadeedkan ay kaga noqdeen hadaladii hore ugasoo baxay.
Sidoo kalena Dawladda Maraykanka ayaa dhankeeda asbuucan ku dhawaqday inay cunaqabateyn dhinaca safarka iyo dhaqaalaha saari doonto ciddii ka hortimaada qorshaha dawlad rasmi ah loogu dhisayo dalka Somalia.
|