Madaxweyne Shariif Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaalida Nairobi- (Sawiro)-
Lasanod Online. Friday, June 22, 2012


 

Nairobi,(lasanod Online)- Kulan Ballaadhan ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhexmaray Hotel Panari Ee magaalada Nairobi, Jaaliyadda Somaalida..

ee Ku dhaqan dalka Kenya iyo Masuuliyiin katirsan dawlada oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha Jamhuriyada Somalia Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Daawo Sawiro

Kulankan oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Gudiga ganacsatada soomaalida ee dalka Kenya, waxaana madaxwaynuhu uu dadwaynihii kasoo qayb galay kulankan uga xogwamay hawlgalada amniga dalka iyo safaradii ugu danbeeyay ee uu ku tagay Goobaha ay la wareegeen Ciidamada dawladu.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay kulanka saamilayda siyaasada soomaalida uga soconaya maalintii 2aad magaalda Nairobi, isagoo sheegay in uu kulankaasi usocdo si habsami leh maantana lasoo gabo’gabayn doono.

Madaxwaynaha aya ugu danbayntii dhiirigaliyay musharixiinta isu soo taagay xilalka sar sare Ee dalka “ in xiligan lahelo masuuliyiin & aqoonyahano isasoo sharaxa waa wax lagu faano, waxaana taasi ay cadayn muuqata u tahay Amniga iyo dawlada kasoo iftiimaysa dalka” ayaa kamid ahaa hadaladii madaxwaynaha .
Madaxwaynaha ayaa shaaca ka qaaday inuu isu taagi doono xalka hogaanka sarre ee dalka.

Dhanka Kale waxaa Kulankan ka qaybgalay Madaxwaynaha maamulka Khaatumo State Of Somalia Mudane C/nuur Cilmi qaaje (Biindhe) iyo masuuliyiin Ka tirsan Golayaasha Dhaqanka iyo wasiirada Ee Maamulka Khaatumo, Waxaana Goobtaasi ka hadlay Garaad C/salaam Axmed Maxamed isagoo ku amaanay madaxwaynaha iyo DFKMS horumarada iyo guulaha ay kasoo hooyeen in 20 sano kadib talada soomaalida dib loogu celiyo madaxda dhaqanka.

 

Diini C/laahi Maxamed{Xiddig}

Lasanod Online,Nairobi-Kenya

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com