|
Muqdisho,(lasanod Online)- Madaxda DKMG Soomaaliya ayaa waxay hambalyo ku aaddan 26ka Juun, oo ahayd markii ugu horreysay..
ee calan Soomaaliyeed la suro ciidda Soomaaliya u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay in ciiddan teeda kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dalka dibadda uga maqan ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hamblayeeyay guul iyo horumar, isagoo sheegay in sannad-guuradaan ay kusoo beegantay xilli ay wadahadallo u billowdeen Soomaaliya iyo Somaliland.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isaguna u diray hamblayo taas la mid ah shacabka Soomaaliyeed, isagoo si weyn uga hadlay wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay noqdaan kuwo mira-dhala.
"Waxaan rajeynayaa in wadahadallada billowday ay noqdaan kuwo u adeega danta iyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana rumeysanahay in isfahamku uu ku jiro wadahadalka," ayuu yiri Shariif Xasan.
Afhayeenka baarlamaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in heshiis walba oo la gaaro uu ku jiro horumarka dalka, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iscafiyaan ayna ka fikiraan danta dalkooda.
Dhanka kale, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay 52-guurada kasoo wareegtay markii ay xoreebeen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa hamblayo u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
"Runtii sannad-guuradan waxay kusoo beegmaysaa xilli ay Soomaaliya ka guurayso colaad una guurayso nabad, taasina waa farxad. Waxaana dadka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa inay dib u soo laabanayso Qaranimada Soomaaliya," ayuu yiri C/weli Maxamed.
Madaxda Soomaalida ayaa waxay wadahadallada billowday ee u dhexeeya Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ku tilmaameen kuwo waddada u xaadhaya in midnimada Soomaaliya ay dib u soo laabato.
|