Baaq Nabadeed Oo Ay Dirayaan Jaaliyadda Guuleed Garaad {Barkad} Ee Ku Nool Dalka Kenya-
Lasanod Online. Tuesday, June 26, 2012


 

BAAQ:- Annagoo ah beesha Guuleed Garaad {barkad} ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu baaq nabadeed..

kasoo saarnay dagaalkii sokeeye ee beelaha walaalaha ah ee wadaaga deegaanka iyo tolnimada.  ee ku dhaqan deegaanka domco.

Hadaba anagoo  ka duulayna walaaltinimada, tolnimada iyo dhaqanka soo jiraanka ah ee u dhexeeya beesha Guleed Garaad{Barkad} iyo Cabdi Garaad{Qayaad}.

Waxaan ka xunahay gadaalkii dhaliyey dimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay deegaanka domco, waxaan tacsi u diranaa dadkii walaalaha ahaa ee dhibtu soo kala gaadhay, wixii dhintay ilahaay samir iyo iimaan ha inaka wada siiyo wixii dhaawac ahna ilahaay haka dulqaado.

Waxaan leenahay  dagaalka iyo dhiiga sokeeye hala joojiyo si shuruud la'aan ah, hana la fogaado wax kasta oo dhalin kara dhibaato hor leh, hadaan nahay jaaliyada beesha Guud Garaad {barkad} ee ku nool nairobi waxaan ka codsananaa beesha  Guleed Garaad ee dhibta badan soo gaadhay inay muujiyaan dulqaad,tolnimo ayna u hogaan samaan wax kasta oo tolkood u soo jeediyaan, joojiyaana ififaalaha colaadeed.

Waxaan Beesha Cabdi Garaad {qayaad} ka codsanaynaa inay dhankooda u dhego nuglaadaan tolkood ayna isxamayn muujiyaan tolnimo iyo walaaltinimo.
 
Hadaba waxaan leenahay dagaal wiil baa ku dhintee,  wiil  kuma dhasho, waxaa idiinka   dhex shaqaynaya waa shaydaan iyo naftiina.

Ilaahay ka baqa joojiya dhiiga sokeeye tolkiina u hogaansama labadiina dhinacba, maanta ma loo baahna colaad sokeeye, wixii horena halaga noqdo xalay dhalay wixii kalena  halagu xaliyo walaalnimo, diinta islaamka iyo dhaqanka soo jiraanka ah ee looga bartay dad deegaankaas, Waxaan idiin soo jeedinaynaa in gacmaha lays qabsado lana muujiyo midnimo iyo tolnimo buuxda.


Baaqan waxaa soo saaray dadka magacyadoo hoos ku xusan yihiin.


1: oday cali muuse qoobleex


2: Shiikh cumar dariiqe


3: Xasan jaamac warsame


4: Maxamuud c/raxmaan x axmed{dabay}


5: Maxamed cabdi maxamuud{xule}


6: Axmed c/raxmaan x axmed{karaamo}


7: Maxamaed daahir maxamuud xoosh


8: Khadar maxamuud suleebaan


9: Yaasiin maxamuud dafir


10: C/laahi khaliif suleebaan


11: Xasan axmed faarax


12: C/qani nuur budeeye


13: Maxamed cumar suleebaan


14: C/casiis faarax nuur budeeye


15: C/rashiid xasan maxamed cawad


16: C/raxmaan axmed maaweel


17: Ibraahim maxamuud wade


18: Maxamed xasan caalim


19: Cali warsame dhowre


20: Cabdidaahir kuutiye aw-muuse salaad.

 iyo tiro badan oo aan qoraalka lagu soo koobi karin.

 


Baaqan waxaa nasoo Gaadsiiyey Maxamud C/raxmaan Xaaji Axmed{Dabay}
 
Wabiilaahi Towfiiq

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com