|
Muqdisho,(lasanod Online)- Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya, C/weli Max’ed Cali oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho..
ayaa ka hadlay guddi dhowaan Xukuumadda KMG ah ay u magacowday inay koormeeraan Ergada Ansixinaysa Dastuurka cusub.
C/weli Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in guddigaasi ayan awood u laheyn inay xullaan Ergada ansixinaysa Dastuurka, hase ahaatee howsha ay qabanayaan kaliya ay tahay in dib u eegis ay ku sameeyaan Odayaasha dhaqanka Ergada ay soo xuleen inay yihiin dadkii loogu talagalay.
Dhowaan ayay ahayd markii Xukuumadda KMG Soomaaliya ay magacawday guddi ka kooban 27-Xubnood oo isugu jira Ahlu Sunna Waljamaac, Galmudug State, Puntland iyo Xukuumadda KMG ah, waxaana xisud mudan in guddidaas ay buuq ku abuurtay Odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Magaalada Mudqisho.
Dhanka kalena Madaxweynaha Dawladda KMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kullan uu la qaatay Odayaasha dhaqanka waxa uu ku wargeliyay inay u madax banaan yihiin howshooda, islamarkaana aan jirin cid soo faro galin karta howlaha ay wadaan ee ku aaddan qabyo qoraalka Dastuurka iyo soo xulidda Xubnaha barlamanka cusub.
|