|
Dubai,(lasanod Online)- Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda.
ku kulmaan magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Shiikh Shariif iyo Siilaanyo ayaa kulankooda wuxuu daba-socdaa shirkii toddobaadkii hore lagu qabtay duleedka magaalada London ee dhexmaray wufuudda ka kala socotay Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gallinkii dambe tagay magaalada Dubai, halkaasoo uu maanta kaga qayb-galayo shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda.
Axmed Siilaanyo ayaa isaguna maanta u dhoofay magaalada Dubai, iyagoo ka hadli doona sidii loo sii ambaqaadi lahaa wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Waxaa kaloo ka dhacday magaalada Hargeysa munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun oo lagu dhigay magaalada Hargeysa, tasoo loo xusay si aan sanadahan danbe la arag. Siilaanyo oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in waxyaabo badan ay kaga xidhinyihiin Soomaaliya.
Dhanka kale, madaxda Soomaalida oo shalay ka hadlay xuska maalinta 26-ka Juun, ayaa sheegay in wadahadalada billowday ay hordhac u yihiin sidii dib loo soo celin lahaa midnimada Soomaaliya.
|