Madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo Oo Ku Kulmay Dubai-(Sawiro)-
Lasanod Online. Thursday, June 28, 2012


 

Dubai,(lasanod Online)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegaya in kulan gaabani..

maanta dhexmaray madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif iyo Axmed Siilaanyo.

Kulankan ayaa dhacay maanta barqadii xilli uu socday shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda kaasoo maalintii saddexaad kasocda magaalada Dubai.

Kulankan waxaa uu socday mudo nusa saac ah, iyadoo wada hadal kooban uu dhexmaray labada nin.  Intii shirkaasi uu socday oo ahayd waqtiga nasashada ee shirka arimaha burcad badeeda ee Dubai ka socda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo Madaxweynaha Galmudug Caalin.

Waxayna isla soo qaadeen qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen:

- in wada hadaladu ay sii socdaan.
- In la dhiiri geliyo shirkii ergooyinka labada dhinac ee London.
- Iyo in ergooyinkii wada hadalku ay howsha sii wadaan.

Waa kulankii ugu horeeyay oo dhexmara si toos ah madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Axmed Siilaanyo, wuxuuna kulanka ku soo beegmay iyadoo la filayay in wada hadal balladhan uu dhexmaro Sahriif iyo Siilaanyo.

 

Copyright © 2013 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com