|
Dubai,(lasanod Online)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirkii..
ay madaxweyneyaasha dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland shalay magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraatka Carabta ku yeesheen.
Faroole oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa tilmaamay in shirkaasi uu gaar u ahaa Shariif iyo Siilaanyo, islamarkaana uusan ahayn mid ay umadda Soomaaliyeed dani ugu jirto.
“balan gaar ah oo ay iyagu ku balameen buu ahaa, iyagaana dowladda Imaaratka ka codsaday inay istusto marka qoraal yar oo aan nina wax tareyn baa kasoo baxay sida meesha ku qoran” Ayuu yiri Faroole..
Mar la weydiiyey waxa uu is odhan karo shirkaas waa kasoo baxeena, wuxuu faroole yiri: “waxay ku xiran tahay wixii la sheegay, meesha wixii ka yeeray wax Soomaali u dan ah ma ahayn”.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey: “Shiikh shariif wuxuu ku jiraa Kaambeyn doorasho, Siilaanyana Ictiraaf buu doonayaa marka waxay isu tari karayaan ma aqaan”.
|