Hay'adda KPDF Gacanta Ku Dhigtay Warqad Xanbaarsan Sir Culus Oo Kasoo Baxday Xafiiska Faroole-
Lasanod Online. Monday, August 20, 2012


 

Washington DC,(lasanod Online)- Warsaxafadeed kasoo Baxay Hay'adda lagu magacaabo Khaatumo Peace & Development Foundation(KPDF).

oo xarunteedu tahay Magaalada Washington DC oo gacanta ku dhigtay warqad xanbaarsan sir culus oo iftiiminaysa shirqoolka iyo hagardaamada joogtada ah ee maamulka Faroole ku hayo shacabka iyo deegaanka Khaatumo State.

Mamulkaas oo iskaashi dhagaraysan hore ugula jiray maamulka Somalidiidka ee Hargeysa, hadana sida ku cad nuqulka warqdan raba inuu sii ballaadhiyo colaada ku wajahan shacabka reer Khaatumo.

Warsaxafadeedkan kasoo baxay hay'adda KDPF iyo nuqulka warqadan oo soo gaadhay warbaahinta Lasanod Online ayaa shaaca ka qaaday wada shaqaynta ka dhaxaysa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Hay'adda KPDF oo u taagan horumarinta shacabka iyo deegaanka Khaatumo State, waxay canbaaraynaysaa Madxweynaha Puntland iyo maamulkiisa oo hore u bixiyey magaalo madaxdii Lascaanood ay hadana qorshaynayaan iyagoo la kaashanaya Somaliland inay weerar wadajir ah ku qadaan deegaanada maamulka Kaatumo State.

Iyadoo qorshahaas la fulinayo waxaa shir laba geesood ah shalay oo taariikhdu ahayd August 20 isugu yimid tuulada Higlada oo u dhow magaalada Tukaraq, saraakiisha ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah in warqadan uu soo xanbaaray oo Garoowe looga soo dhiibay Saleeban Xaglotoosiye si uu gacanta uga geliyo Siilaanyo, isagana loo doortay uuna raali ku noqday inuu noqdo Horgale loo adeegsado baaba'a dadkiisa.

Hay'adda KPDF waxay ka digaysaa cawaaqib xumada ka dhalan karta shirqoolada ka dhanka ah shacabka iyo deegaanka Khaatumo iyo colaad dhiig badani ku daato oo laga dhex huriyo labada shacab ee walaalaha ah.

 

Khaatumo Peace & Development Foundation(KPDF)

kpdf@ymail.com

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com