|
Dubai,(Lasanod Online)- Xafald lagu soo dhawaynayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday magaalada Dubai,
munaasabadan oo ahayd mid si fiican loo soo abaabulay ayaa dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka isutaga Imaaraadka Carabta waxay isaga kala yimaadeen magaalooyin aad u farabadan.
munaasabadan oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen safiirka Soomaliya u fadhiya caasimada ABUDHABI iyo sidoo kale qunsulka Soomaaliya ee magaalada DUBAI, ayaa sidoo kale waxaa ka dhex muuqday siyaasiin soomaali ah sida gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
Xafladani waxay kamid tahay munaasabado badan oo baryahanba ka dhacayay daafaha aduunka, kuwaasoo lagu soo dhawaynayay isbadalka ku yimi dalka Soomaaliya, iyadoo dadwaynaha soomaaliyeed ay aad ugu rajawaynyihiin in soomaaliya wixii hada ka danbeeya ay geli doonto marxalad aad u fiican.
Daawo Sawiro
|