|
Garowe,(lasanod Online)- Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay in loo magacaabo Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya
mas'uul hore uga soo mid noqday xukuumadihii dalka soo maray, iyagoo ku taliyey in lasoo magacaabo ruux cusub oo aan kasoo mid noqon xukuumadihii hore.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dekadaha Puntland, Cabdishakuur Mire Aadan ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyay idaaadda Risaala oo ka mid ah kuwa ka hawl-gala magaalada Muqdisho.
"Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh waxaan ugu baaqaynaa inuu ra'iisul wasaare u soo xusho ruux sidiisa oo kale saaxada siyaasadda Soomaaliya ku cusub," ayuu yiri wasiir ku xigeenka dekedaha maamulka Puntland.
Puntland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, ayaa waxay hore uga digeen in loo doorto xilka madaxweynaha ee Soomaaliya mas'uuliyiintii hore, iyagoo xilligaas ku hanjabay inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah.
Wasiir ku xigeenka Puntland ma uusan sheegin in haddii lasoo magacaabo ra'iisul wasaare ayan ku qanacsanayn ay qaadan doonaan tallaabo la mid ah tii ay hore u sheegeen xilligii doorashada madaxweyaha Soomaaliya.
Source: Aljazeera
|