|
Muqdisho,(lasanod Online)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmey xildhibaanada Baarlamaanka..
Jamhuuriyadda Federaarlka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si guud u wada casumey si uu warbixin u siiyo xildhibaanada, Waxaana shirkan soo abaabuley shirguddoonka baarlamaanka,
Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyey ee ee dhexmara Madaxweynaha iyo Xildhibaanada, waxaana goob joog ka ahaa inta badan ee Xildhibaanada., waxaana Madaxweynuhu ka sheegay waxyaabo badan oo ka mid ah qorshayaashiisa shaqo.
Madaxwweynaha ayaa khudbad dheer u jeediyey Xildhibaanada, waxaana uu sheegay in kulankaani in uu yahay mid wadatashi ah iyo in uu uga mahad celiyo isbedelkii tariikhda ahaa, doorashadii xorta ahayd, ee adduunku aadka u soo dhaweeyey, iyo haddii Soomaalida fursad la siiyo in ay wax qabsan karaan, taas oo baarlamaanku horseed ka ahaa, waxaana Madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in uu kala tashanayo Baarlamaanka soo xulida Raysalwasaaraha.
Waxa uu sheegay in uu la wareegay dawlad khasanadeheedu maran yihiin deyna lagu leeyahay shantii bilood ee u danbeysey aan helin wax kaalmo ah oo khasanadaheedu maran yihiin, iyada oo caalamku sugaayey waxa is bedala, haddana ay eegayaan talaabada aan qaadno taasna ay dheertahay badda oo xiran oo canshuurtu yartahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey uu ka baaqday kaas oo dhacaya 24.09.2012, weliba waxaa jira shir gaar ah oo Soomaaliya looga hadlaayo kaas oo barbarsocda Shirka guud ee Qaramada Midoobey kaas oo dhacaya 26.Sept.2012.
Waxaan qiimeeyey ayuu yiri hawsha taala iyo shirkaas tegistiisa, waxaana ii soo baxday in hawsha taalaa ay badan tahay sidaas darteedna aan ka baaqday Shirkaas, arintan oo Xildhibaanadu si weyn u soo dhaweeyey una sacab tumeen, maadaama madaxdii hore ay ahaayeen kuwo aan ka baaqan shir qudha, isla markaana boorsadoodu ahayd mid iska xirxiran.
|