|
Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa habeenkii xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya qunsulkii Soomaaliya Maxamed Cismaan Aden (Edson).
Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya, danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa saxaafadda u xaqiijiyay geerida qusulka, isagoo sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay uu xanuun awgiis ugu jiray cusbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
"Qusulka wuxuu aad uga shaqeyn jiray dadka Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Kenya, gaar ahaan kuwa lagu soo eedeeyo inay yihiin burcadbadeed, runtiina wuxuu ahaa mas'uul dadaal badan," ayuu yiri dajire Ameerika.
Danjire Ameerika wuxuu sheegay in qunsulka uu ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga shaqeeyay in dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya dib loosoo celiyo, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa makhaatiyadii la dooday ninkii iibsaday safaaradda.
Edson ayaa muddo dheer soo ahaa qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana xilkaas laga qaaday sanadkii hore.
Maxamed Cismaan Edson waxuu kaloo ahaa Musharixiintii Madaxweynahii hore Shiikh Shariif kula tartamay Doorashadii 2009 ee dalka Jabuuti, waxaana uu galay kaalinta sadexaad.
|