|
Kismaayo,(lasanod Online)- Kooxda Al Shabaab ayaa ku amartay dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo inaysan ka barakici karin..
magaalada Kismaayo,kuwii barakacayna ay waajib tahay inay dib ugusoo laabtaan.
Dadkan oo isugu jira Haween, Rag iyo Caruur ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ka barakacayeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii halkaas ay kasoo cusboonaadeen xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Kenya oo dhinaca iyo Xarakada AL Shabaab.
Duleedyada Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab kuwaas oo isku haya gacan ku haynta Magaaladaasi.
Ciidamo badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dhawaan faaruqiyay Magaalada Kismaayo, iyadoo shalay dib loogu arkay ciidamo ka tirsan Xarakada AL Shabaab oo Magaalada soo buux dhaafiyay.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay amar ku bixiyeen in Magaalada ayan ka bixi Karin, intii ka baxdayna ay ku amrayeen in ay dib ugu laabtaan Magaalada.
|