|
Muqdisho,(lasanod Online)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa kulan ballaadhan..
la galay safiirada dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar’ahaan kuwa Midowga Yurub.
Madaxweynaha oo Xafiiskiisa ku qaabiley 14 safiir oo dalalkooda u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa shirkoodu ahaa mid albaabadu u xiran iyihiin. Waxaana ka mid ahaa Dalalka, Holland, France, Spian, UK, Italy iyo Denmark
Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada ayaa saxaafadda u sheegay in Madaxweynaha iyo Safiiradu ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa idb u soo celinta xasiloonida Soomaaliya, iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa gargaarkii la siin jirey Dawladda Soamlia, kaas oo xanibnaa muddooyinkii u danbeeyey.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka baaqday ka qaybgalka kulamo Muhim ah oo ka dhacay New York, uuna ka shaqeyn doono hawlo ka muhiim ah oo dalka u yaala.
|