|
Muqdisho,(lasanod Online)- Waxaa caawa qaraxyo xoogani ruxeen Maqaaxi lagu magacaabo The Village, oo ku taalla Guriga Hooyooyinka Muqdisho.
halkaas oo ay isugu yimaadaan Saxafiyiin, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xillliyada qaar ku qaxweeya.
Daawo Video
Qaraxyada ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen labo ruux oo iska soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, halka warar kalena ay sheegayaan in uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso oo halkaas la dhigay.
Khasaare badan ayaa ka dhashay qaraxa sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, waxaana la tilmaamay in dadka ay wax ku noqday qaraxan ay ku jiraan Saxafiyiin ka howlgasha Warbaahinta dalka.
Wariyeyaasha dhintay ayaa la sheegayaa in uu ku jiro Madaxa Wararka ee Idaacadda iyo Tv-ga qaranka Wariye Liibaan Cali Nuur, Wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka howlgala Radiyaha Qaranka. C/raxmaan Yaasiin Agaasimaha VOD, iyo sidoo kale wariyayaal ka hawlgala Idaacadda Kulmiye.
Gawaadhida gurmadka deg deg ah ee Ambalasta ayaa gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi laga daabulayaan dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii kale ee ku geeriyooday qaraxa.
Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana halkaas si meyd ahaan u yaalla illaa afar ruux oo rayid ah.
Dhimashada ayaa ka badan illaa 10-ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Absbuucii lasoo dhaafay ayuu ahaa markii qarax uu ruxay Hoteel uu Magaalada Muqdisho ka deganaa madaxeyne Xasan Sh. Maxamuud.
|