|
|

Garaad Soofe
 |
Buhoodle,(lasanod Online)- Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn waxaa maanta lagu soo afjaray Shirkii Beesha Cali Axmed( Cali Geri)..
kaas oo ayaamihii ugu danbeeyey ka socday Duleedka waqooyi ee magaalada Buuhoodle, iyadoo maantana Go,aamo wax ku ool ah laga soo saaray.
Daawo Sawiro
Shirka oo maanta lasoo afmeeray waxaa kasoo qayb galay guud ahaan Qaybaha kala duwan ee bulshada reer Cayn, waxaana halkaasi ka hadlay dadwayne farabadan oo shirka ka qayn galay maanta.
Caaqil Cali Cabdi (Cali Dahable) oo ka mid ah beesha Shirka ee Cali Geri ayaa halkaas waxaa uu kasoo jeediyey Qodobada kasoo baxay shirkii Beesh. Kuwaas oo ka koobnaa ilaa iyo 11-Qodob oo afar ka mid ihi ay ahayeen baaq ku wajahan Guud ahaan Shacabka Reer Khaatumo State.
Ugu danbayntii waxaa shirkaasi Soo gabagabeeyey Garaad Saleebaan Buraale Aw-aadan iyo Garaadka Guud ee Beesha Axmed Garaad Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe Duraan.
Dhagayso Go'aamadii Shirka
Axmed Maxamed Nadiif
Lasanod Online, Buuhoodle
|