Shiinuhu wuxuu noqondoonaa Maraykanka Berrito laakin Safar dheer ayaa sugaya-
By: Abdifatah Mohamed Musse (Miraaf)- Sunday, March 03, 2013


 

Hordhac: In badan oo kamid ah saxaafadda caalamku waxay qaadaa dhigayeen sanadihii u danbeeyey guulaha waawayn ee dhaqaale ee ay ku tilaabsatay..

Hordhac: In badan oo kamid ah saxaafadda caalamku waxay qaadaa dhigayeen sanadihii u danbeeyey  guulaha waawayn ee dhaqaale ee ay ku tilaabsatay jamhuuriyadda dadka ee shiinaha. Taasi waxay ka caraysiisay wadamo badan oo reer galbeedka ka mid ah kuwaasoo u arkay shiinahu inuu yahay quwad dhab ah oo soo if baxaysa, waxayna taasi meesha kasaartay himiladii reer galbeedka ee ahayd inay iyagu noqdaan oo kaliya quwadda dhaqaale iyo tan awoodeedba (The Supper power).

 

Aragtidii inkiraada  ahayd ee reer galbeedka

Hadaba, bilowgii sanadihii hore ee lasoo dhaafay waxaad moodaa inay in badan oo kamid ah wadamada reer galbeedka kuwooda uugu waawayni  ay  inkirayeen ifafaalaha soo ifbaxayey ee uu dalka shiinuhu ku tilaabsanayey, arrintani ayaa waxay markhaati u tahay marka saxaafadda caalamka  ama khubarada dhaqaalayahanada caalamku falanqeeyaan awooda soo koraysa ee shiinaha ay reer galbeedku ku andocoodaan in shiinuhu uu leeyahay dadka uugu badan ee caalamka sidaasi daraadeedna ay wakhti badan ku qaadanayso shiinahu inuu fakhriga kasaaro malaayiinta shucuubta ah ee qaarkood wali ay ku dacdaraysan yihin meelo badan oo kamid ah bariga iyo galbeedka shiinaha.

Japan iyo shiinaha

Marka habada lagayimaado aragtidaas horay ay reer galbeedku u qabeen waxaa fajiciso ku nototay caalamka horumarka dhanka dhaqaalaha ah ee shiinuhu ku kacayey tobankii sano ee u danbeeyey. Waxaana taas markhaati u ah inuu shiinuhu dhamaadkii sanadkii 2010 uu ciida cunsiiyey wadankii 42 sano ee udanbeeyey ahaa quwadda labaad ee dhaqaalaha ee aduunka wadankaasoo ah wadanka Japan.  Hadaba inkastoo Japan ay lasoo deristay  hoos u dhac wayn ee xaga dhaqaalaha ah iyo masiibooyin dabiici ah oo kusoo noq noqday dalkaasi, hadana wuxuu ahaa dalka labaad ee dunida uugu wax soo saarka badan ama dalka labaad ee aduunka u dhaqaalaha badan muddo ilaa 42 sano ah.

Markii hay’adda xisaabadka qaranka ee shiinaha ee loo yaqaano (National Bureau of Statistics of China) ku dhawaaday in muddo dheer iyo halgan dheer oo dhinaca dhaqaalaha loo galay kadib uu shiinuhu yahay maanta wadanka labaad ee uugu dhaqaalaha badan dunida, uuna booskii kasaaray wadanka Japan oo isagu dib uugu gurtay kaalinta sadexaad. Waxaa arrintaasi lagu muujiyey xisaab sanadeedkii sanadkaasi 2010 oo isagu dhamaaday, iyadoo shiinaha dhaqaalihiisa gaar ahaan wadarta waxsoo saarka gudaha ay gaadhay adduun lacageed oo u dhigma  $5.88 trillion. Taasi hadaba waxay meesha kasaartay awoodii labaad ee Japanka oo isagu dhaqaalihiisa wax soosaarku uu noqday $5.47 trillion.

Taasoo dalka Japan ku uu uugu hambalyeeyey shiinaha booska muhiimka ah ee uu kala wareegay wadanka ay deriska yihin ee dhaca bariga fog ee dunida, waxaana wasiirka dhinaca dhaqaalaha u qaabilsan  wadanka Japan Mr. Kaoru Yosano uu yidhi “ xaqiiqdu waxa ay tahay in dhaqaalaha shiinuhu uu aad u kobcayo , waana soo dhowaynanaa deris ahaan, dhaq dhaqaaqa yaga xaga dhaqaaluhuna maaha inaanu heer ama darajo ku raadinayno , laakin waa mid aanu nolosha dadkayaga ku hormarinayno”  ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr. Kaoru Yosano oo ah wasiirka dhaqaalaha dalka Japan.

Hadaba hadalka wasiirka dhaqaalaha dalka Japan waxaad ka dhadhansanaysaa in Japan ku oo wali dareensinaya Shiinaha in uu dhinaca waxsoo saarka dhaafay laakin wali dhinaca nolosha ay dadka Japanese ka ahi  kaga horeeyaan dadka tirada badan ee shiinaha maadaama Shiinuhu uu aad uuga dadbadan yahay Japan oo iyadu jasiirado yar yar oo kaliyah ka kooban. Sikastaba ha ahaatee Shiinu maata wuxuu sallaanka labaad ka taagan yahay awooda dhinaca dhaqaalaha ee caalamka waana midda ka qaylisiisay maanta wadamo badan oo uu Maraykanku uugu horeeyo.

 Awood dhaqaale iyo mid Militeri

Waxaan shaki ku jirin in shiinaha ay ku jirto xifaaltan dhinacyo badan leh oo ay uugu horayso inuu noqdo mid istaaga heerka maanta uu maraykanku taagan yahay. Sanadkan hadda aynu ku jirno ee 2013 bishii janaayo, waxay wakaalada wararka qaranka shiinaha ee looyaqaano “The official Xinhua news agency” ay sheegtay in wadanka shiinuhu lagayaabo inuu maraykanka booska ka qaado, taasoo sida wakaaladaasi sheegtay ay uugu wacantahay sida xawliga leh ee dhaqaalaha wadankaasi uu u kobcayo. Sheegashadan shiinuhu waxaad modaa inay si uuga hordhacayso xilliga dhaqaalayahanada dunidu ay saadaalinyaaan oo ku began 2029.

Intaasi kadib, taasi waxay gogosha u xaaraysaa in ay khasabtahay in sanadkuu doono ha ahaadee ay meel ka go’an tahay in shiinuhu uu noqdo quwadda   koowaad ee dhaqaalaha dunida. Waana mid aan muran ku jirin in shiinuhu uu gaaro darajadaas uu qarniga kusootaamayey. Hadiise arintu saas noqoto, xaalku wuxuu noqonayaa meel Aar ka kacay Atoor far fariisay, maraykankuna maryihiisa ayuu ka uruursan doonaa qasriga wayn ee uu ku lahaa dhamaanba dunida qasrigaasoo ah kan uu inta badan uugu goodiyo caalamka oo ah kan dhaqaale ee uu ku amar ku taagleeyo.

Marka intaasi lagayimaado, waxaa xasuus mudan in wadanka Shiinaha  oo isagu markiisii horaba ka mid ahaa shanta quwatood ee duniga u waawayn marka loo eego dhinaca awooda milateriga, taasna macneheedu wuxuu yahay in Shiinuhu uu yahay midka mid ah wadamada caalamka quwadda Nuclear ka leh kuwa uugu dhaq dhaqaaqa roon marka dhinaca saamaynta siyaasada loo eego. Waxayna taasi siinaysaa awooda ah inuu isticmaalikaro codka awoodda badan ee uu kuleeyahay qaramada midoobey gaar ahaan golaha amaanka ee loo yaqaan “Vito Power” , taasoo uu adeegsan karo xilliyada uu arko in ay khatar siyaasadeed ku wajahantahay ama arrin laga hadlayo  uu danihiisa siyaasadeed ka dhex eegankaro.

Waxaan hadaba shaki ku jirin oo aan su’aali ka taagnayn in haddii shiinuhu uu noqdo quwadda koowaad ee dhaqaalaha dunida ay taasi ka dhigayso shiinaha inuu noqdo awoodda kowaad ee dunida. Hadaba inkasta oo ay xilli, juhdi,maaliyad iyo xulafaba u baahantahay arintaasi hadana waxaan la dhayalsankarin sida xeeladaysan ee shiinuhu wadamo badan oo dunida kamid ah uu u shukaansanayo, isagoo isku deyaya inuu xuuraanto islamarkaana uu saaxiibo iyo jaalayaal waawayn ka samaysto dunida si uu u gaadho booska aan ciyaarta lagu gaadhi karin ee ah awoodda koowada ee dunida amaba “The Supper power of the world “. Shakina kumajiro inuu gaarayo hadduu caqabadahaas faraha badan ee horyaala uu ka gudbo. Waxaa iyana xusid mudan inuu shiinuhu leeyahay ciidanka miletariga  uugu badan dunida  eelagu magacaabo people’s liberation army   wuxuuna cadadka ciidankaasi gaarayaa  malaayiin askari oo diyaar ah (2.3 million active troops) waxaana lasheegaa in ciidankiisa lugta keliya uu yahay 1.7 million (ground forces).

Caqabadaha rasmiga ah ee ka hor imaankara shiinaha

Dhaqaalaha iyo dadka oo kala badan

Sidaynu in badan oo qormadeenan ka mid ah kusoo sheegnay waxaynu si cadaan ah u qeexnay dhaqaalaha shiinuhu inuu si’aan kala go lahayn u kobcayey sanadihii u danbeeyey. Taasina waxay shiinaha awood usiisay inuu si badheedh ah Japan ka meesha uuga saaray Maraykankana uu u miciya listo. Laakiin waxaan hadana shaki ku jirin in hadii xitaa shiinuhu uu gaadho heerka maraykanku taagan yahay maanta dhinaca dhaqaalaha, waxaa jiridoonta caqabado badan oo ka hor iman doona wadanka shiinaha taasoo ay sabab u tahay dadka shiinaha oo ah kuwa dunida uugu badan isla markaana gaadhaya balaayin (1.353 Billion) , halka maraykanka dadkiisu ay gaadhayaan malaayin laakin aysan u dhowayn cadadka tirada beelay ee uu shiinaha dadkiisu caga cagaynayo waxaana lagu sheegaa in dadka maraykanku yahay  (315.5 Million ).

Waxaa hadaba meesha kasoobaxaysa maah maah can ah oo ay adeeg sadaan dadka Malaysian ka ah oo odhanaysa  “Lebih banyak perkara yang mempunyai masalah sendiri” taasoo micneheedu tahay  waxkasta oo badani dhibaatadooda bay leeyihiin, waxaan hadaba maah maahdan Malayga ah uula jeedaa in shiinaha dadkiisa badani haduu markii hore faa’iido u keenay ama uu awoodkale oo gaar ah siiyey, in hadana uu dhaqaalihiisa cadow ku noqday. Dulucda hadalkaas aan ka leeyahay baa waxay tahay in haddii shiinuhu uu kaalinta kaqaado maraykanka oo uu lawareego kaalinta maraykanku maanta dunida dhaqaaleheeda ku hogaaminayo in ninka shiinayska ah iyo ninka maraykan ka ahi aysan weli isku nolol ku noolaanayn marka laga eego dhanka nolol maal meedka caadiga ah.

Si kale hadaan u idhaaho tusaale ahaan wadarta waxsoo saarka gudaha ee maraykanku  (GDP-Nominal) hadii ay tahay adduun ah  $20.330 trillion, shiinahana ay gaarto isla cadadkaas $20.330 trillion , marka adduunkaas lacageed ee sanad laha ah loo qaybiyo dadka maraykanka  oo ah (315.5 million), waxaa sanadkiiba ku soo hagaagaya qofkasta oo American ah $64437/sanad, hadii marka dadka shiinuhu uu yahay (1.353821 billion), waxaa qofkasta oo shiinays ah kusoo hagaagaya ($15016/sanad.
 
Tani hadaba waxay cadayn u tahay marka lagayimaado awood sheegashada xaga dakhliga iyo wax soo saarka iyo awooda dhinaca Militeriga, in ay shiinaha xilli dheer ku qaadan doonto  inuu dadkiisu lasinaado dadyowga maraykanka iyo Japan, sababtoo ah dadka shiinuhu waa dadka dunida uugubadan waxayna kor u dhaafeen balaayiin (Billions), taasaana keenaysa in xitaa haddii uu shiinuhu dhaafo Maraykanka dhinaca dhaqaalaha guud ee wax soosaarka ama uu noqdaba quwadda adduunka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo militeriga  in dhinaca heerka nolosha dadku ku noolyihiin ay wadamadaasi kaga horayn doonaan ilaa intii muddo ah oo uu shiinuhu baalansi garaynayo waxsoosaarkiisa iyo dadkiisa siibadanaya.

Dadka shiinaha ee kunool dhulka tuulooyinka ah

Marka hadaba lagayimaado horumarka baaxadda wayn ee uu kutilaabsaday shiinuhu, waxaa iyana laf dhuun gashay ku noqotay inuu latacaalo dadka faraha badan ee ku nool dhulka tuuloyinka ah ama baadiyaha ah ee ay ka fogyihiin magaalooyinka waawayn iyo meelaha sida xowliga ah uu horumarka iyo ganacsiguba uuga socdo. Wuxuuna shiinuhu uu sanadihii u danbeeyey latacaalayey sidii uu u magaalayn lahaa dadkaasi iyo sidii uu uugu suurta gelin lahaa inay helaan biyo nadiif ah, koronto iyo shaqooyin noloshooda kor loogu soo qaadayo si ay uula jaan qaadaan shiinaha kale ee iyagu xidigaha beegsaday.

Isku dheeli tirka dhinaca dhaqaalaha ee qowmiyadaha shiinaha

Inkastoo wadanka dhaqaalihiisu uu kobcayo hadana waxaa jira gobolo badan oo aan horumarkaasi gaarsiisnayn. Intabadan meelaha farta lagu fiiqayo waxaa kamid ah gobolada bariga iyo galbeedka wadankaasi oo lasheego inay wax badan ka danbeeyaan qaybaha kale ee dalka gaar ahaan marka la bar bar dhigo gobolada ku yaala bartamaha iyo xeebaha wadanka shiinaha,  waana meelaha ay degen yihiin qowmiyadaha ,Turkic Muslims, Uyghurs , Tibetans, Mongols iyo kuwo kal, waxayna jamhuuriyadda dadka ee shiinuhu u baahnaan toontaa inay qomiyadahaas noloshooda kor usoo qaado ayna ka dhigto goboladaasi kuwo lajaan qaada qaybaha kale ee dalka.

Khataraha dhinacyada militeriga iyo marinada caalamiga ah ee badaha

Tanina waa mid kale oo u baahan inuu shiinuhu si taxadar leh uu isha uugu hayo, waana mid caqabad kale ku noqonaysa haduusan si feejignaani ku dheehantahay uula socon. Sida la ogyahayba shiinaha waxaa deris la ah wadomo waawayn oo qaar badan oo ka midihi ay ku hubaysanyihiin nuclear, waxaa deris la ah ruushka oo Nuclear haysta, India oo iyana Nuclear haysata, North korea oo iyana tijaabadii u horaysan samaysay sanadkan hadda aynu ku jirno ee 2013, Pakistan oo iyana haysata Nuclear, Japan oo iyana haysata Nuclear inkastoo Japan uu nuclear keedu yahay kan loogu tala galay quwadda korontada oo kaliya hadana waa la isticmaali karaa xilli kasta oo loobaahdo in qaab militeri looga faa’iidayto.

Inkastoo wadamo badan oo kuwaas aynu soo sheegnay kamid ahi uu xiriir wanaagsani kala dhexeeyo shiinaha hadana waa wadamo ku hubaysan nuclear oo khatarteeda ayey leedahay, xiriirka siyaasadeed ee duniduna maanta waa mid ku dhisan isku danaysi iyo kala faa iidaysi, hadiise intaasi lawaayo waxaa dhici karta in bilaawuhu uu dhinaca kale isu rogo. Shiinuhuna hadiiba uu noqdo quwadda adduunka waxay noqonaysaa inuu wadamadaasi siyaasad dabacsan oo uu ku xod xodanayo kula macaamilo isagoo danihiisa gaar ahaaneed ka eeganaya. Markaynu arimahaas khatartooda leh bar bar dhigno maraykanka waa mid ka duwan , waayo maraykanka ma jiro hal dal oo America ku yaal oo nuclear leh aan isaga ka ahayn, waana ta siisay awooda kale ee uu ugu goodiyo wadamada gaajada ah ee laatinka kuyaala. Lakin shiinuhu haddu awooda yeesho ama uu noqdo quwadda dunida, sheekadu waxay noqonaysaa “Aniguba waan haystaa"!.


Muranka ka taagan badda china

 Sanadihii u danbeeyey waxaa muran xoogani kataagnaa jaziiradaha yar yar ee kuyaala bada loo yaqaan china sea, waxaa murankaasi u dhexeeyey wadamo dhowr ah oo intooda badani shiinaha u arka inu uugu faanayo quwadda iyo awooda aysan u babac dhigi karin ee uu leeyahay shiinuhu, waxaa wadamadaasi kamid ah wadamo badan oo qaar kood uu ganacsi xoogani kala dhexeeyo shiinaha waxaana ka mid ah Jamhuuriyadda china, (Thaiwan), Philippines, Vietman, Malaysia, Brunei, Indonesia, dhamaan wadamadani waa kuwo kulaalaya badda lagu muransanyahay ee china sea, waana arrin sanadihii lasoo dhaafay murankeedu uu circa isku shareeray. Waxaana shaki ku jirin inay arintaasina tahay mid caqabadeeda leh oo haduusan shiinuhu xal rasmi ah ka gaarin mustaqbalka masiibooyin siyaasadeed ku keenaysa.

Waxaa xusid mudan in sanadihii lasoo dhaafay ay wadamadaasi ka qayb qaadanayeen dhoola tusyo militeri iyo  suuqyo hubka iyo gaadiidka badaha iyo circa lagu kala iibsanayey oo ay sanadihii u danbeyey Malaysia oo kamid ah wadamada uu murankan baduhu kala dhexeeyo shiinaha ay qabanaysay, waana wax loo qaadan karo in uusan meesha ka maqnayn hub isku urursi iyo awood isu  raadsi mustaqbalka ladoonayo inay shiinaha kula gor gor tamaan dhulka ay ku doodayaan inay xaqa u leeyihiin ee dhaca china sea.

 

 Abdifatah Mohamed Musse (Miraaf), he is a graduate student and political Analyst over the emerging powers.

Kuala Lumpur, Malaysia, E-mail- afgashade@gmail.com


 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com