Jubaland Oo Dagaalkii Kismaayo Ku Eedaysay Dawladda Somalia-
Lasanod Online. Saturday, June 08, 2013

Sawir kayd ah

 

Kismaayo,(lasanod Online)- Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay soo abaabushay dagaalkkii..

shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinasir Seeraar ayaa sheegay in iska horimaadkaasi ay ku eedeenayaan Wasiirka Gaashaandhiga ee dawlada Federaalka Cabdixakin Fiqi oo uu sheegay inuu magaalada ka wado arrimo lagu khal khal gelinaya maamulka Jubaland.

Seeraar ayaa sheegay in Maamulkan Jubaland uu diyaar u yahay inuu amaanka sugo, isla markaasna uusan u dulqaadan doonin in magaalada Kismaayo lasoo geliyo maleeshiyaad hubeysan iyo waliba kooxihii hore looga saaray.

 Maamulka Jubaland ayaa hada laga dareemayaa dhankooda inay wadaan dhaq dhaqaaq militari, walow ayan jirin illaa iyo hada wax war ah oo laga soo saaray tilaabooyinka xiga oo ay qaadi doonaan.

Iska horimaadkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo ay ku jiraan labo qof oo rayid ah inta la ogyahay, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo 10 ku dhaw oo Cubitaalka lagu hayo.

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com