Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Oo La Kulmay Faroole-
Lasanod Online. Tuesday, September 03, 2013


 

Addis Ababa,(lasanod Online)- Ra'iisal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Hailemariam Desalegn ayaa maanta ku qaabilay magaalada Addis ababa..

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamed (Faroole) iyo Wafdi puntland ah oo uu hoogaaminayo, sida ay baahisay Madaxtooyadda Puntland.

Kulankani waxaa lagaga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada   Soomaaliya, arrimaha ku saabsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo xidhiidhka u   dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan   Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka   Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States).

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Dowladda Ethiopia doorkii ay ka  ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Dowladda Federaalka  Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Madaxweynaha Puntland wuxuu  sidoo kale ka hadlay xoojinta xidhiidhka dhanka amniga iyo isku xidhka ganacsiga iyo   dhaqaalaha si Mandaqaddu u horumarto.

Wafdiga Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole ayaa shalay gaadhay magaalada Addis Ababa , iyadoo xalay uu casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom.

Dhinaca kale, Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu Heshiis laba dhinac ah ka dhex abuuray Dawladda Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland kuwaasoo khilaaf ba’ani ka dhex taagnaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Maamul Goboleedkaasi.

Farroole ayaa taageersanaa Maamulka Jubbaland, waxaanu si weyn uga soo horjeeday Xukuumadda Federalka ah oo uu xataa Wada shaqayntii ay lahaayeen gooyay, balse kulanka uu la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya mawqifkiisii wax weyn baa iska bedelay durba.

 

Copyright 2014 Lasanod.com

 

Maqal iyo Muuqaal










Lasanod Advertising
LasAnod.com© All rights reserved., Design by Sheelco,Inc.
Contact Webmaster at: admin@lasanod.com